Rabadhka galmada u isticmaal sidan

Sidan ayaa loo isticmaalaa rabadhka galmada ee guska ama guska mac-malka ah:

  • Fur baakada rabadhka galmada, caadi ahaan waxa jira geftinno yar-yar oo ku dherersan dhinacyada baakada oo halkaas laga jeexi karo.
  • Jiid rabadhka in yar si loo arko jihada ay u jiidmayso.
  • Haddii rabadhka la gelinayo guska waa inuu ahaadaa adayg marka rabadhka la gelinayo, haddii gusku leeyahay buuryo waxa wanaagsan in dib loo jiido.
  • Saar rabadhka dhalfada guska ama guska mac-malka ah. Ka dib faraha ku riix rabadhka afkiisa hore isla wakhtiga rabadhka hoos loo jiidayo, tani waa si hawada looga saaro inta u dhaxaysa guska ama guska mac-macmalka ah iyo rabadhka.
  • Hoos u jiid rabadhka ilaa iyo gunta ka dibna kor u yara qabo , dhexda qabo haddii loo baahdo oo hoos u jiid ilaa iyo inta aanay ka jirayn wax kale oo la jiido. Haddii rabadhku ku xidhanyahay guska waxa xitaa rabadhka lagu xidhi karaa kiishka xiniinyaha haddii la doonayo.
  • Qabo rabadhka marka guska ama guska mac-malka ah la soo saarayo sii aanay u bixin.
  • Rabadhka ku tuur qashinka.