Galmo ammaan ah oo leh rabadhka

Rabadhku wuxu bixiyaa xorriyad in galmo raaxo leh lala qaato qofki la doonayo, haddii rabadhka loo isticmaalo qaab sax ahna waa mid ilaalin wax ku ool ah u leh ka hortaga cudurada galmada lagu kala qaado iyo uureysi aan la doonayn labadaba. Arrinta loo baahanyahay in laga fikiraa waa:

  • Rabadhka waxa la isticmaalayaa dhamaan xilliga la samaynayo galmada.
  • Xusuusnow in la baddelo rabadhka haddii ay dhowr yihiin kuwa lagu fuulayo isla gus ama gus mac-mal ah.
  • Xusuusnow in la baddelo rabadhka haddii la isticmaalay wakhti dheer, haddii kale way qallalaysaa oo waxay ku jirtaa khatar ah inay jeexanto.
  • Si tartiib ah rabadhka uga jiid guska si wax shahwad ahi aanay uga soo daadan.
  • Haddii la isticmaalayo kiriim galmo oo badan waa in la doortaa kiriimka galmada ee ku salaysan biyo ama silikoon. Fiiro gaar ah! maaha in la isticmaalo alaabooyinka ku salaysan duxda sida saliid, faasaliin ama kiriimka jidhka maadaama ay kharibayaan rabadhka oo ay keenayaan inuu dilaaco.
  • Eeg in rabadhku aanu ahayn mid aad u duugoobay, waxa mar kastaba baakada ku qoran taariikhda ugu dambeysa ee la isticmaali karo. Rabadhyadu waxay caadi ahaan leeyihiin cimri ah ugu yaraan shan sano.
  • Haddii rabadhka lagu kaydinayo boorsada lacagta waxa wanaagsan in la baddelo hal mar bishiiba, maadaama ay ku dhacayso xoqmid iyo culays taas oo yaraynaysa cimrigeeda.