Shahwada iyo biyo baxa

Shawadu waa waxa ka soo baxa guska xilliga biyo baxa ee soo mara kaadi mareenka, badanaaba  xilliga galmada ee meesha ugu macaan ay arrini marayso. Shahwadu waa isku dar ka kooban dareerayaal kala duwan oo waa qayb yar oo keliya oo ka mid ah dareeraha shahwada waxa ay run ahaanti ku jirto unuga ubadku ka abuurmo.

Qiyaasta

Biyo bax caadi ahaan waa qiyaasti 3-5 ml oo dareere ah (qiyaasti 1 qaado yar ah).  Shahwadu way samaysantaa wakhti kasta oo dhan oo weligeed ma dhamaato si kastaba ha ahaato badnaanta biyo baxa qofku yeesho. Haddii dhowr biyo bax wakhti kooban gudaheed la soo yeesho waxa si ku meel-gaar ah u yaraan kara tirada xaddiga.

Muuqaalka

Muuqaalku wuxu ahaan karaa mid wax laga dhex arki karo, caddaan, dambasi ama huruudi. Haddii biyo baxu yahay guduud, midab basali ah ama guduud u eeg bunni waxa tani sabab u noqon kara in uu ku jiro dhiig. In dhiig uu biyo baxu lahaado mar dhif ah waa caadi oo maaha wax laga welwelo. Badanaab waxa sabab u ah in xidid dhiig oo yar uu dilaacay. Haddii dhiig uu ku jiro biyo baxa marar badan waa in la raadsadaa daryeel caafimaad si meesha looga saaro cudur.

Shahwadu waxay ahaan kartaa khafiif iyo biyo-biyo, dheg-dheg ama leedahay kuusyo yar-yar, iyo in cufnaanteedu kala duwanaan karto. 


Dhadhan iyo ur

Shawada dhadhankeeda iyo urteeda waxa raad ku yeelan kara waxa qofku cuno ama cabo. Urta biyo baxa waxa lagu tilmaamaa badanaaba sida dooga ama biinsada (kelbadda). Dhadhanku waa cusbo iyo in yar sida birta.