Kiiskha xiniinyaha

Kiishka xiniinyaha waa kiish maqaar ah kaas oo ka laad-laada guska hoostiisa oo kiiskha xiniinyaha waxa ku jira xiniinyaha. Kiishka xiniinyaha waxa kale oo ku jira wareega kaydiya shahwada, dhuunta shahwadu soo marto iyo xididada dhiiga.

Xiniinyaha

Xiniinyuhu waxay leeyihiin qaab ukun oo kale ah. Waxay sameeyaan shahwada iyo hoormoonada xubnaha taranka ee testosteron. Testosteron waxay raad ku yeelataa jidhka dhismihiisa muruqyada, baruurta iyo qalfoof. Xitaa niyad u haynta galmada waxa raad ku yeelata testosteron. Haddii qofka ay ku yartahay testosteron waxa yaraan karta niyad u haynta galmada iyo xiisaha galmada. Yaraanta testosteron waxay xitaa raad ku yeelan kartaa kacsiga. 

Si loo ilaaliyo xiniinyaha iyo shaqadooda waxa wakhti kasta is baddela cabbirka kiishka xiniinyaha. Xiniinyuhu waxay u baahanyihiin heer kul ah 34 °C si ay u shaqeeyaan oo sidaas darteed kiishka xiniinyaha wuu isku soo ururaa ama weynaadaa taas oo ku xidhan heer kulka dibedda.   

Wareega kaydiya shahwada

Wareega kaydiya shahwada wuxu ku yaalaa xagga dambe ee xiniinyaha oo wuxu isku xidhaa xiniinyaha iyo dhuunta ay shahwadu soo marto. Haddii kiishka xiniinyaha lagu baaro faraha waxa xagga dambe ee xiniinyaha laga dareemi karaa wareegyada kaydiya shahwada ee jilicsan. Gudaha wareegyada kaydiya shahwada waxa ku soo bislaada oo ku kaydsama shahwada.