Nadaafada

Waxa ku filan in guska hal mar maalintii lagu maydho biyo far-diiris ah si uu nadiif u ahaado. Haddii aad loo maydho ama la isticmaalo saabuun waxa si fudud qallayl u noqonaya maqaarka oo waxa bilaabmi karta cun-cun. Waa laga taxadari karaa cun-cun aan loo baahnayn haddii qofku guskiisa u maydho sidan.

  1. Dib u riix buuryada haddii la leeyahay taas  
  2. Maydh/biyo raaci buuryada gudaheeda iyo dhalfada oo isticmaal biyo far-diiris ah 
  3. Faraha in yar ku tirtir dhalfada iyo gudaha buuryada si looga saaro wasakhda iyo duxda gabowday.    

Ka taxadar saabuunta. Haddii si aad ah loo isticmaalo saabuun waxa kordhaysa khatar ah cun-cun. Saabuuntu waxa kale oo ay maydhis ku saartaa ilaalinta dabiiciga ah ee ka hortaga baakteeriyada iyo waarigta. 

Cun-cun

Cun-cun iyo calaamado casaan ah oo ku yaala guska iyo dhalfada waxa sabab u noqon karta in qofku si aad ah u maydho. Haddii qofka ay ku dhacdo cun-cun iyo calaamado casaan ah waxay calaamad u tahay in laga taxadaro saabuunta. Haddii maqaarku qallalan yahay waxa guska lagu subki karaa saliid aan lahayn wax baarafuun ah. Raadso marka hore talo-bixin intaanad isticmaalin kiriimo ama boomaato loogu talo galay daweynta cun-cunka.