Siigaysi

In la siigaysto waa marka qofku is taataabto si loo helo raaxaysi galmo, waxay tahay in qofku isu galmoonayo.

Siigaysigu waa wax lagu raaxaysan karo. Fursad galmo, maaha dhibaato galmo. Ragga badankooda gusku waa qaybta jidhka ee keena raaxaysiga galmo ee ugu weyn laakiin waxa la salaaxi karaa halka qofku doonayo iyo meesha ugu dareen raaxo badan jidhka. Badnaanshaha qofku u siigaysto way kala duwantahay qof ilaa qof. Dadka qaarkood waxay sameeyaan dhowr goor maalin kasta, qaar kale wakhtiyo gaar ah oo keliya. Qaar maba siigaystaan sideedaba.

Qofku waxa uu ka wel-weli karaa in siigaysigu yahay khatar oo markaasi wel-welkaa laf ahaantiisa ayaa noqonaya dhib. Khatar maaha in la siigaysto. Mararka qaarkood waxa la maqli karaa in waxyaabo xun dhacaan marka la siigaysto, sida in aragtidu sii xumaato ama in ay qofka ku dhacaan cuduro kala duwan. Tani gebi ahaanba maaha run. Ma u xanuusan kartid arrintan. Ma jiraan wax waxyeellooyin ah. Arrintu waa lidkeeda. Siigaysigu waa wax badanaaba qofku siisa dareen fiican oo waa qaab loo baran karo in qofku wax ka ogaado jidhkiisa. Waxa loo siigaysan karaa qaabab kala duwan oo badan. Si loo helo waxa qofu u arko inay ugu raaxo badantahay waa in tíjaabo lagu wadaa.

Waxanu kugu soo dhawaynaynaa inaad na weydiiso su’aalaha ku saabsan siigaysiga.