Niyad u hayn

Niyad u hayn galmo waxay ku siin kartaa raaxaysi iyo farxad, tani badanaaba waa mid dareen aad u wanaagsan oo waxay la xiriirsantahay farxad jidh-ahaaneed. Niyad u hayn galmo waxa ay ku jiri kartaa waxyaabo maskaxdu sawirato, xiriirka dadka, shay ama xaalado noocyo kala duwan ah. Niyad u hayntaada galmo waa mid gaar kuu ah oo sidaas darteed waxay leedahay muujin shakhsiyadeed. Niyad u haynta in la sameeyo galmo way ku kala duwanyihiin dadku oo niyad u haynta galmo waa mid kor iyo hoos u kacda xilliga nolosha.

Hoos u dhac niyad u hayn

Isbaddel cad oo dhinaca niyad u haynta ah waxay calaamad u noqon kartaa in in wax aanay ahayn sidi ay ahayd inay ahaadaan gudaha jidhka, nolosha dareen, qof xiriiryadiisa ama nolosha inteeda kale. Mararka qaarkood sababta waxa laga helayaa xaalada nololeed ee qofku ku jiro oo mararka qaarkood waxa qofku u baahan karaa caawimaad caafimaad si loo eego tusaale ahaan in heerarka hoormoonada ay aad u hooseeyaan ama in qofku cuno dawo raad ku yeelatay niyad u haynta galmo.

Dadka qaarkood ma dareemaan wax niyad u hayn galmo oo ma doonayaan inay sameeyaan galmo ama waxay dareemayaan inaanay doonayn inay dadka kale ku daraan galmadooda. Qaar ka tirsan dadkan waxay isku magacaabaan kuwa aan lahayn dareen galmo.   

Waad nala soo xidhiidhi kartaa haddii aad u aragtid in dhibaato kaa haysato niyad u haynta. Xagayaga waxad ka heli kartaa taageerada takhasuska wada-hadalka iyo dhakhktar labadab.

 

Niyad u hayn aad dheeraad u ah

Kacsigu waxa uu ku iman karaa si lama-filaan ah oo qofku mar kastaba ma dooran karo marka uu dareemayo niyad u haynta galmada. Dadka qaarkood waxay u arki karaan inay leeyihiin niyad u hayn aad dheeraad u ah oo waxay u arkaan inay adagtahay in gacanta lagu hayo. Qaabka loo siigeysto, badnaanshaha loo sameeyo galmo ama loo daawado filimada galmada waxa loo dareemi karaa mid dhib leh oo raad ku yeelata caafimaad qabka qofka iyo nolol maalmeedka. Mararka qaarkood waxa arrintan lagu magacaabaa ”si xun u isticmaalidda galmada” ama u galood badan.

Waxa qofku uu ku daarmi karaa waxyaabo aanu qofku doonayn inuu ku daarmo. Laga yaabee in qofku u arko in niyad u haynto ay timaado wakhti khaldan ama ku aadanaato dad khaldan. 

Haddii aad u aragtid inaanad gacanta ku hayn niyad u hayntaada galmo ama dareemaysid in kacsiga oo badan uu  dhib kugu hayo noloshaada iyo nolol maalmeedkaaga, waad nala soo xidhiidhi kartaa dhinaca taageero iyo wada-hadal lala yeesho takhasusyadayada wada-hadalka.