Jinsiga iyo jinsi kale isku eekaysiin

Jinsiwuxu yeelan karaa micnayaal kala duwan. Badanaaba waxa loola jeedaa rag iyo haween, kuwaas oo lala xiriiriyo sifo baayoolaji, taas oo ah xubnaha taranka. Tani waxay tahay gus, siil, xiniinyo, meesha ukuntu ku samaysanto. Baayoolaji ahaan sideedaba ma jiraan oo keliya laba jinsi. Nin iyo naag waa labada jinsi ee sharci ahaan ka jira Iswiidhan. Jinsiga sharci ahaan waa ka ku qoran diiwaanka diiwaan-gelinta dadweynaha, aqoonsiga qof iyo ka ku cad tobanka lambar. Dalalka qaarkood, tusaale ahaan Baakistaan, Arjantiina, Jarmalka iyo Koonfurta Afrika waxa sharci ahaan ka jira jinsi saddexaad.

Shakhsiyadda jinsi waxay tahay in aragtida qofka ee nooca jinsiga la yahay oo waxay noqon kartaa nin, naag, labadaba, iyo ama midnaba. Dadka oo dhan waxay qof ahaan xaq u leeyihiin inay go’aamiyaan shakhsiyadooda jinsiga oo shakhsiyada jinsigu waxkhtiga ayay isla baddeli kartaa.

Muujinta jinsiga waxa la odhan karaa waa qaabka qof u muujinayo jinsigooda, dhinaca luqadda jidhka, dharka, habka timaha loo xiro loona feedho, waxyaabaha la iska laalaadiyo, cod ama wax kale.

Dhamaan dadka isu arka ragga waxanu ku soo dhawaynaynaa wada hadal iyo taageero. Haddii qofku leeyahay gus waxa la heli karaa caawimaada dhinaca baaritaanka.

 

Jinsiga kale isku eekaysiin (trans)

Jinsi kale isku eekaysiin (trans) waa soo gaabinta qofka jinsi kale isku eekaysiiya. Tani waxay tahay qof ka baxay xeerarka dhinaca jinsiga, shakhsiyada jinsiga iyo/ama muujinta jinsiga. Trans xiriir lama laha dareenka la galmoodka balse waxay ku saabsantahay shakhsiyada jinsiga. Qofka trans ah wuxu ahaan karaa khaniis, qofka labada jinsiba ka hela, qof aan jinsiba ka helin, "queer" qofka aan doonayn in lagu tiriyo kuwa jinsiga ka duwan ka hela, kuwa jinsiga ay isku midka yihiin ka hela iyo kuwa aan intaas midkoodna ka tirsanayn ama wax kale. Trans waxa ka mid ahaan kara qof dareemaya in uu ku dhashay jinsi qalad ah, qofka aan jeclayn inay jinsiyada jira midnaba isku tilmaamin, labeebka iyo dadkahela in ay ku labbistaan dhar caadi ahaan lagu yaqaan in ay ku labbistaan dadka ayaga jinsiga ka duwan leh. Qofka jinsigooda sharci, jinsigooda baayoolaji, shakhsiyadooda jinsi iyo muujintooda jinsiba iswaafaqsanyihiin waxa lagu magacaabaa Cis. Tusaale ahaan qof ku dhashay gus, qof ahaan isku arka nin oo inuu nin yahayna diiwaan-gelinta dadweynahan ka diiwaan gashan.

Jinsi gedisnaan

Jinsi gedisnaan waa xaalad marka qof leeyahay shakhsiyad jinsi taas oo aan waafaqsanayn jinsiyada sharci ahaan ee loo diiwaan-geliyay xilligi dhalashada, badanaaba leh rabitaan ah in la doonayo in jidhka loo saxo qaab um si ay ugu haboonaato jinsiga qof ahaan la isku arko. Jinsi gedisnaan waa xaalad caafimaad oo la ogaaday.

Laba jinsi u dhaxayn

Laba jinsi u dhaxayn micnaheedu waa qof isu arka inay u dhaxeeyaan nin iyo naagba ama midnaba. Waxa ahaan kara qof dareemaya inay yihiin nin iyo naag labadaba ama aan dareemayn inay yihiin jinsina sideedaba. Laba jinsi u dhaxayn waxay ku saabsantahay shakhsiyada jinsi oo maaha sida jidhku u eegyahay.

Labeebnimo

Labeebnimo waa eray bixin guud oo loogu talogalay xaaladaha caafimaad ee kala duwan ee la ogaaday. Si kooban waxay labeebnimo tahay xaalad lagu dhasho taas oo koromosooyinka ama xubnaha taranka muuqaalkooda iyo horumarkoodu aanu la socon qaybinta laga filo nin iyo naag. Taas oo ah, marka arrinta baayoolaji aanay suurta-gelinayn in qof lagu sifeeyo nin ama naag midnaba marka loo eego xeerarka bulshada ee dhinaca jinsiga. Qiyaasti 1 ka mid ah 1500 ki qofba ayaa leh xaalad labeebnimo.

Si kale ahaanshaha jinsi

Si kale ahaanshaha jinsi waxay yeelan kartaa micnayaal kala duwan. Waxa ahaan kara qof doonaya inuu saxo jidhkooda laakiin aan inay ku dhasheen jidh khalad ah. Waxa kale oo ahaan kara qof ah isu arka inay ku dhasheen jidh khalad ah laakiin aan doonayn inay saxaan jidhkooda. Si kale ahaanshaha jinsi waxa kale oo ay noqon kartaa qaab qofku ula dhaqmo shakhsiyadiisa jinsi ama muujintiisa jinsi.

Qofka ku labista dharka caadi ahaan lala xariiriyo dadka aan ahayn waxa uu yahay ´´transvestit´´

Transvestit micnaheedu waa qof si ama qaab kale u isticmaala muujinta jinsi ee caadi ahaan loo nisbeeyo jinsiga ”ka soo horjeeda.” Tusaale ahaan dharka, waxyaabaha la iska laadlaadiyo, codka iyo luqadda jidhka.