Dareenka la galmoodka iyo HBTQ (fahan guud oo koobaya himadaha galmoodka)

Dareenka la galmoodka wuxu sifeeyaa nooca jinsi ee qof u kacsado ama jeclaado. Dareenka la galmood waxa uu ku saabsanaan karaa doorbidid, shakhsiyad iyo hawl ahaan. Doorbidid waa waxa qofku jecelyahay iyo qofka la doonayo in galmo lala sameeyo. Shakhsiyaduna waa sida qofku isu xaqiijiyo. Hawl ahaan waa waxa qofku u leeyahay khibrad iyo qofka lala sameeyo galmo. Khaniisnimo, qofka labada jinsiba ka hela iyo qofka jinsiga ka duwan ka hela waa saddexda dareen galmood ee ku qeexan sharciga iswiidhishka. Dadka ka hela jinsiga ka duwan waxa lagu tilmaamaa qof awood u leh inay u kacsadaan ama jeclaadaan qof ka tirsan jinsiga kale.

HBTQ

HBTQ waa eray bixinta ururin ee khaniisiinta, dadka labada jinsiba ka hela, dadka jinsi kale isku eekaysiiya iyo dadka leh muujin iyo shakhsiyad in aanay doonayn in lagu tiriyo kuwa jinsiga ka duwan ka hela.

Khaniisnimo

Khaniisnimo waxa lagu tilmaamaa qof awood u leh inay u kacsadaan ama jeclaadaan qof ay isku jinsi yihiin.  

Ka helitaanka labada jinsiba

Ka helitaanka labada jinsiba waa qof awood u leh inay u kacsadaan ama jeclaadaan ragga iyo haweenka labadaba.

Qofka aan doonayn in lagu tiriyo kuwa jinsiga ka duwan ka hela "Queer"

"Queer" waa eray bixin yeelan karta micnayaal badan oo waxyaabo kala duwan ah. Waxa kale oo micnayaal kala duwan u yeelan kartaa dad kala duwan, sidaas darteed way adkaan kartaa in "queer" loo qeexo qaab keliya. "Queer" waxay dhaleeceeyaan xeerarka iyo kala soocida dhinaca jinsiga iyo dareemada galmoodka ah haba ugu horeysee xeerka ah nin iyo naag. "Queer" waxa kale oo ay ahaan kartaa shakhsiyad taas oo ah ka soo horjeedka kala soocida nin, naag, khaniis, labada jinsiba ka hela ama qofka ka hela jinsiga ka soo horjeedka ah. Waa rabitaan in aan loo baahan in la is cadeeyo. Ugu dambeynti "queer" waa magacaabida dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ujeedadu tahay in la xoojiyo xuquuqda dadka "queer" ah.