Biyo bax xilli hore ah iyo mid raaga

Biyo bax xilli hore ah

Biyo bax xilli hore ah ugu horeyn waa aragti shakhsiyadeed oo ah in qofku aanu maamuli karin biyo bixiisa ilaa heerka la doonayo. In la haysto aragti biyo bax xilli hore ah way ku dhici kartaa dadka oo dhan oo mararka qaarkood wax adag ayay ku ahaan kartaa ninka gaar ahaantiisa, lamaanaha ninka ama labadaba. Arrintan waxanu u aragnaa in biyo baxa xilli hore ahi badanaaba ay salka ku hasyo cilmi-nafsi.

Biyo bax xilli hore ah waxa badanaaba la dareemaa xilliga galmo lala samaynayo lamaane. Xitaa haddii biyo baxu dhakhso u yimaado maaha tani inay ahaato dhibaato. Waxa jira qaabab badan oo loo samayn karo galmo, keliya in qofku biyo bax helay maaha in loo baahdo in galmadi dhamaato.

Waxa jira qaabab kala duwan in la daweeyo dhibaatada biyo bax xilli hore ah. Qaab ka mid ah waa in laga shaqaysiiyo aragtiyada dareenka iyo debacsanaan. Qaabilaadayada waxanu mar kasta ku shaqaynaa qaab lagu magacaabo  qaabka ”jooji-bilow.” Tani waxa ay u eegtahay barnaamij tababar kaas oo ujeedadiisu tahay in qofku maamulo biyo baxiisa. Mabda’a ku jira qaabkan jooji-bilow waa in la barto in la is dareemo oo qofku nidaamiyo heerkiisa kicinta galmood. Qofku wuxu isticmaali karaa qaabkan xilliga siigaysiga iyo xilliga lala galmoonayo lamaane. Inay jirto faham iyo furnaan midba kale u hayaa waa muhiim. Rajo caadi ahi waa in biyo baxa xilli hore lagu xallin karo wakhti kooban. Sidaasi badanaaba maaha xaaladu, waxa loo baahan karaa wakhti dheer oo ah tababar joogto ah.

Qaab kale oo loo daweyn karo biyo baxa xilli hore waa isticmaalka dawo. 2009 waxa la soo saaray dawo taas oo si fudud loo qaadanayo hal kiniin ka hor intaan la samayn galmo. Sida ay sheegayaan soo-sarayaashu waxa ay tani dheeraynaysaa wakhtiga ka hor intaan biyo baxu iman.   

Ugu dambeynti waxa jira kiriimyo leh alaabooyin suuxdineed kuwaas oo lagu subki karo dhalfada si loo yareeyo dareemada. Rabadhada galmada qaarkood way ku jiraan kiriimada noocaas ahi laakiin qofka ayaa gaar u iibsan kara kiriimadaas. Kuwani waxa si sahlan looga helayaa internetka ama dukaamada alaabta galmada.

Biyo bax raaga

Mararka qaarkood waxa raggu u arki karaan in biyo baxu uu raagayo ama aanu imanayn sideedaba. Haddii tani badanaaba u soo noq-noqoto si xad dhaaf ah waxa qofku u arki karaa inay tani dhibaato ku tahay ninka gaar ahaantiisa ama lamaanayaasha ninka.

Badanaaba biyo baxa raaga ama aan iman wuxu leeyahay sababo cilmi-nafsi iyo xiriirba ah. Markaasi waxa qofku u baahanayaa la hadalka takhasuska galmada iyo takhasuska wada-hadalka.

Biyo bax aan iman ama raaga waxa kale oo uu ka iman karaa cafimaad ahaan sida tusaale ahaan xanuunka macaanka, dhaawac laf dhabarta ah ama cudurada qanjirka ragga. Waxa uu ahaan karaa saamayn ka timi in qofku cuno nooc gaar ah oo dawo, tusaale ahaan dawada la liidasho quluub ama murugo. Sida xaasaasi looga yahay guska way kala duwantahay oo ragga qaarkood waxay u arkaan inaanay helin dareen geli ku filan si ay u helaan biyo bax. Marka la samaynayo galmo waxa fiican in la debacsanaado oo la sii daayo waxyaabaha kale ee maskaxda lagu hayo. 

Xagayaga waxad ula soo xidhiidhi kartaa wada-hadalka iyo daaweynta biyo baxa xilli hore iyo ka raaga.