Calaamadaha cudur galmo

Waxa muhiim ah in la xusuusnaado in qofku lahaan karo cudur galmo iyadoo aan la lahayn wax calaamad ah, micnihi iyadoo qofku aanu arkayn ama dareemayn wax gaar ah. Halkan waxad ka akhrisan kartaa dhowr calaamadaha caadiga ah ee ay sabab u ahaan karaan cudurada galmada:

  • Xanuun gubasho leh, xanuun, dareen mudid ama dareen gubasho marka la kaajayo.

In ay qofka kaadidu gubto mar mar dhif ah badanaaba maaha wax khatar ah ama ma ku xidhna in la leeyahay cudur galmo. Mararka qaarkood gubasho ayaa la dareemi karaa biyo baxa ka dib ama haddii aan la kaajin wakhti dheer, amaba haddii kaadidu tahay mid aad u ururtay. Dhibaatada marka la kaajayo waxa kale oo sababi kara dhibaato dhinaca qanjirka ragga ah.

  • Cuncundhinaca guska, gudaha kaadidu halkay ka soo baxdo, hareeraha guska ama futada.

In guska ama hareerihisa cuncun laga yeesho waxa kale oo ay calaamad u noqon kartaa cuncun maqaarka ah ama cambaar aanay sabab u ahayn wax cudur galmo ah. Cuncunka hareeraha futada ah waxa isna sabab u ahaan karta babaasiir ama cuncun maqaarka ah.

  • Nabar ama meel bararsan guudka ama hareeraha guska ama futada ah.

Nabar waxa mararka qaarkood uu iman karaa galmo ama siigaysi badan ka dib oo looma baahna inay sabab u tahay cudur galmo. Dilaac ama dhiigid ka timi futada iyanna waxa sabab u ahaan karta babaasiir.

  • Dareerid,waxa weeye dareere aan ahayn kaadi, biyo bax ama dareeraha ka horeeya biyo baxa oo ka imanaya halka kaadidu ka soo baxdo ee guska ama futada.
  • Burooyinku yaala guska ama hareerihiisa ama futada.
  • Xanuun guud gudaha xubanaha taranka.

Xanuun dhinaca xubnaha taranka ah waxa kale oo sababi kara dhibaato dhinaca xiniinyaha ama qanjirka ragga ah.   

  • Qanjidho bararsandhinaca goljilicda ah.