Cudurada galmada

Cudurada galmada ama infekshanada la isugu gudbiyo galmada waa cuduro ku gudba xilliga qaababka kala duwan ee galmada. Cudurada galmada ee kala duwan waxay u gudbaan qaabab kala duwan iyo fudayd kala duwan. Sax ahaan inta ay leegtahay khatarta in la qaado ama la gudbiyo cudur galmo way adagtahay in la sheego, sababaha waxa ka mid ah maadaama qofku badanaaba sameeyo noocyo badan oo kala duwan oo galmo isla xilli isku mid ah.

Cudurada galmada waxa ay ku gudbi karaan marka dareerayaasha jidhka ay soo gaadhaan xubnaha jilicsan ee jidhka ama marka xubnaha jilicsan ee jidhku ay isa soo gaadhaan. Dareerayaasha jidhka ee gudbin kara cudurada galmada waa shahwada, dheecaanka siilka iyo mararka qaarkood xitaa dhiiga. Xubnaha jilicsan waxay ku yaalaan marinka kaadida, gudaha buuryada, futada, siilka, afka, cunaha iyo indhaha. Guud ahaan waxa la odhan karaa in khatarta in la qaado cudur galmo way weyntahay haddii qofku sameeyo galmo bilaa ilaalin ah oo siilka ama futada ah. Laakiin waxa xitaa cudur galmo laga qaadi karaa dhinaca wasbada afka, galmada salaaxida, galmada xubnaha la isku xoqayo ama dhinaca alaabooyinka ciyaarta ee galmada.

Qaar ka mid ah cudurada galmada waxay mararka qaarkood keenaan dhib aad u yar ama wax dhib ahma ma keenaan. Sidaas darteed waxa fiican in si joogto ah la isu baadho haddii qofku galmo u sameeyo qaab keenaya khatar gudbineed leh. Haddii qofku qofku leeyahay cudur galmo waxa korodha khatarta in la qaado xitaa cuduro galmo oo kale sida hiv.